Waa macay MoneyGo?
MoneyGo waa boorsada dhijitaalka ah (Digital Wallet) oo caalami ah, taas oo adeegsadayaasha u oggolaanaysa inay maareeyaan maaliyadooda si fudud,
Waxay la mid tahay nidaamyada kale ee caanka ah nidaamka loo yaqaan Perfect Money, Payeer, ama Skrill. Waxaad u isticmaali kartaa inaad lacag u dirto qof kale, inaad wax ku iibsato online-ka, ama aad ku kaydsato lacagahaaga,
Moneygo waa mid ka mid ah nidaamyada lacagaha elektaroonigga ah ee casriga ah
(E-wallet), kaas oo dadka u sahlaya inay lacagaha ku kaydsadaan, ku xawilaan, kuna dukaamaystaan internetka si dhakhso leh oo ammaan ah, nidaamkan wuxuu aad caan uga yahay caalamka oo dhan, gaar ahaan dadka ka shaqaysta internetka iyo kuwa jecel ganacsiga dhijitaalka ah,
Haddaba, maqaalkan waxaynu ku eegi doonaa wax kasta oo aad uga baahan tahay inaad ka jadiddo MoneyGo,
2. Adeegyada Ugu Muhiimsan ee MoneyGo
MoneyGo waxay bixisaa adeegyo dhawr ah oo daboolaya baahiyaha maaliyadeed ee casriga ah:
• Xawilaadda Lacagaha: Waxaad si degdeg ah lacag ugu diri kartaa qof kasta oo isticmaala nidaamkan meel kasta oo uu dunida ka joogo.
• Ganacsiga Online-ka ah (E-commerce): Websaydha badan oo wax lagu iibiyo ama lagu ganacsado ayaa aqbala MoneyGo si aad lacag-bixinta u samayso,
• Bedelaadda Lacagaha (Exchange)
• Waxaad dhexdeeda uga sarrifan kartaa lacagaha kala duwan (sida USD, EUR, iyo kuwo kale),
• Khidmadaha hooseeya: Marka loo eego tartamayaasha kale, MoneyGo waxay caan ku tahay inay leedahay khidmado aad u hooseeya marka lacagta la dirayo ama la ranyayo,
3. Sida Loo Samaysto Account-ka MoneyGo
Inaad iska diiwaangeliso MoneyGo waa hawl aad u fudud oo qaadanaysa dhowr daqiiqo oo fadhi ah,
1. Booqo Websaydhka: Aad barta rasmiga ah ee MoneyGo ama soo degso app-kooda rasmiga ah,
2. Diiwaangelinta: Guji batoonka Sign Up ama Register, ka dibna geli xogtaada rasmiga ah (Magacaaga, Email-kaaga, iyo Password siri ah)
3. Xaqiijinta Email-ka: Waxaa laguu soo diri doonaa koodh ama link aad ku xaqiijinayso Email-kaaga,
4. Xaqiijinta Aqoonsiga (Verification) si aad u hesho badbaado buuxda oo aad u kordhiso xadka lacagta aad diri karto (Limits), waxaa lagugu dhiirigelinayaa inaad soo geliso aqoonsi dowli ah (Passport ama ID),
5. Ogow: Inkastoo aad isticmaali karto account-ka adigoon xaqiijin (unverified), haddana xaqiijintu waxay kuu sahlaysaa ammaan dheeri ah iyo khidmado ka sii jaban
1. 4. Faa'iidooyinka iyo Caqabadaha MoneyGo
2. Faa'iidooyinka:
• Ammaan Sare: Waxay isticmaalaan nidaamka encryption-ka ugu dambeeyay si loo ilaaliyo xogta macmiilka,
• Fududaan: Interface-ka app-ka iyo websaydhka waa mid aad u fudud oo qof kasta uu fahmi karo.
• Dad dalka gudihiisa ah: Waxay aad ugu habboon tahay dadka sameeya forex-ka, crypto-ka, ama ka shaqaysta Freelance-ka,
1. Caqabadaha uu yeelan karo
• Weli si ballaaran looma wada aqoonsana marka loo eego PayPal ama Visa/Mastercard,
• Waddamada qaar waxaa laga yaabaa inay ku adkaato inay si toos ah ugu xiraan bankiyadooda deegaanka,
Gunaanad
1. MoneyGo waa dookh aad u fiican qof kasta oo raba inuu yeesho boorso dhijitaal ah oo caalami ah, ammaan ah, waliba khidmaddeedu yar tahay,
2. Waxay si weyn u caawisaa dhalinyarada shaqooyinka ama ganacsiyada ka sameeya internetka. Saacad kasta iyo meel kasta aad joogto, MoneyGo waxay kuu oggolaanaysaa inaad maamusho lacagtaada si casri ah.