Waa Maxay Crypto, Sideese U Shaqaysaa?
Adduunku waxa uu marayaa xilli isbeddel weyn uu ku dhacayo nidaamka maaliyadda, Haddaba, waxa aad maqashaa ereyga Crypto ama Cryptocurrency (Lacagaha sirta ah/dhijitaalka ah), Laakiin, maxay dhab ahaantii yihiin, sidee se u saameeyeen dhaqaalaha adduunka?
Waa Maxay Cryptocurrency?
Cryptocurrency waa lacag dhijitaal ah (Digital Currency) oo aan gacanta lagu taaban karin, balse ku dhex jirta internet-ka, Ka rabaan ahaan, ma laha bangi dhexe ama dawlad maamusha. Waxay ku dhisantahay farsamada loo yaqaano Blockchain (Xog-wadaagga xiriirsan), adkeysigeedana waxaa sugga nidaam amni oo casri ah (Cryptography),
Lacagtii ugu horreysay ee crypto ah, uguna caansan ilaa maanta waa Bitcoin (BTC), oo la abuuray sannadkii 2009. Wixii ka dambeeyay, waxaa dhashay kumanaan lacagood oo kale oo loo yaqaanno Altcoins, sida Ethereum (ETH), Solana (SOL), iyo kuwa kale.
Sidee Crypto U Shaqaysaa?
Si ka duwan lacagaha caadiga ah (sida Dollar-ka ama Shiling-ka) oo ay bangiyadu maamulaan, Crypto waxay ku shaqaysaa nidaam baahsan (Decentralized).
• Blockchain: Waa buug-xisaabeed weyn oo dhijitaal ah, kaas oo koobihiisa laga heli karo kombuyuutarro malaayiin ah oo adduunka ku kala baahsan. Markasta oo lacag la is u wareejiyo, xogtaas waa la diiwaangeliyaa, qofna ma tirtiri karo ama ma beddeli karo,
• Boorsooyinka Dhijitaalka ah (Wallets), Si aad u kaydsato ama u isticmaasho Crypto, waxaad u baahan tahay boorso dhijitaal ah (sida Trust Wallet ama Binance) oo leh furayaal sir ah oo adiga kuu gaar ah.
Faa'iidooyinka Crypto
• Xawaare iyo Kharash Yar, Waxaad lacag u diri kartaa qof jooga darafka kale ee adduunka daqiiqado gudahood, iyadoo kharashka lagugu dhimayo uu aad u yar yahay marka loo eego bangiyada caadiga ah.
• Ammaan Sare: Aad bay u adagtahay in la jabsado nidaamka Blockchain,
• Maaliyadd xor ah: Ma jiro bangi ku weydiinaya "Halkeen u diraysaa lacagta? ama xaddidaya inta aad diri karto,
Khataraha Jirra
• Isbeddelka Degdegga ah (Volatility): Qiimaha Crypto wuu kacayaa, wuuna dhacayaa daqiiqado gudaheed. Maanta haddii aad haysato $1,000, berrito waxay noqon kartaa $500 ama $2,000.
• Xasillooni-darrada Sharciga: Dawladaha adduunka qaarkood wali si rasmi ah uma aqoonsan, qaarkoodna way mamnuuceen,
• Khatarta Khayaanada (Scams): Maadaama nidaamku cusub yahay, waxaa jira dad dadka kale lunsada lacagahooda iyagoo u ballanqaadaya faa'iidooyin been ah,
Gunaanad
Lacagaha Crypto maahan oo kaliya hanti la maalgashado, ee waa kacaan beddelaya qaabka aan u fahmno lacagta iyo ganacsiga, in kasta oo ay leedahay fursado waaweyn oo qofka hodan ka dhigi kara, haddana waxay u baahantahay aqoon iyo taxaddar dheeri ah ka hor intaanan la gelin lacagtaada,
Mustaqbalka maaliyadda adduunka wuxuu u muuqdaa mid u si dhacaya dhanka dhijitaalka.